Qadar Oo Dalalka Caalamka Ugu Baaqday In ay Ilaaliyaan Madax Banaanida Soomaaliya

0

Wafuud Caalami ah oo Ka Socotay dowladda Qatar ayaa maalinnimadii shalay ahayd ka qaybgalay shirka looga hadlayay sidii gargaar  bini’aadannimo loo gaarsiin lahaa in ka badan 2.7 milyan oo soomaali ah oo ay Qaramada midoobay sheegtay in ay halis ugu jiraan in ay u dhintaan macluul iyo biyo la’aan daran.

Wafdigaas ka socday Dalka Qatar waxaa hogaaminyay madaxa u qaabilsan wasaaradda arimaha dibadda ee Qatar isku xiriirka caalamiga ah Tariq Ali al-Ansari, isagoona sheegay in Qatar ay diyaar u tahay in ay sii wado caawinaada ay siiyaan walaalahooda soomaalida.

Sidoo kale Al-ansari ayaa sheegay in ay muhiim tahay in la taageero ciidamada nabad ilaalinta midowga Afrika ee Amisom, kuwaas oo uu sheegay in ay ka shaqeeyaan horumarinta nabadda soomaaliya.

Agaasimaha  u qaabilsan wasaaradda arimaha dibadda ee Qatar isku xirka caalamiga ah Tariq Ali al-Ansari, ayaa dhanka kale hoosta ka xariiqay in ay muhiim tahay in laga shaqeeyo mid nimada soomaaliya asagoona hadalkiisa sii raaciyay in ay muhiim tahay in la dhawro madax banaanida soomaaliya sida ay qabaan Qaramada midoobay, Golaha amaanka, Ururka Jaamacadda Carabta, iyo Midowga afrika.

Dowladda Qatar ayaa xoojisay taageerada ay siiso dowladda soomaaliya tan iyo markii xukuumada soomaaliya ay ka qaadatay mowqifkii dhex dhexaadnimo khilaafkii u dhaxeeyay wadamada khaliijka, markaas oo ay dowladaha sucuudiga masar imaaraatka iyo baxrayn ay xiriirka diblumaasi u jareen Dowladda Qatar.