Gudigaan oo ay hogaamineyso Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka qaranka Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yareey) ayaa waxa ay dalka mareykanka ka bilaabeen in wada tashiyo ay la sameeyaan qurbo joogta soomaaliyeed ee kunool dalkaasi.
Gudiga Doorashooyinka Qaranka Oo Wada Tashiyo la Sameynaya Qurbojoogta Soomaaliyeed
Xaliimo yareey oo la hadashay VOA ayaa sheegtay in hanaanka loo wajahayo doorashada lagala tashanayo qurbo joogta islamarkaana ay yihiin dadka kunool dalka dibadiisa dad waxbadan ka garanaya qiimaha doorashada.
Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka qaranka Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yareey) ayaa tilmaamtay in xaq ay u leeyihiin ka qeybgalka doorashada la filayo in dalka soomaaliya ay ka dhacdo.
Xaliimo yareey ayaa qeexday in muhiimad gaar ah ay leedahay in lala kulmo dadka qurbo joogta ah madama ay yihiin dad farabadan oo dalka ka maqan islamarkaana wax badan dalka ku soo kordhin kara.