Dhageyso”Ergayga Gaarka ah Ee Xafiiska RW u qaabillsan arimaha Tahriibka iyo Caruurta Oo Ka Warbixisay Qaabkii Maxaabiista Liibiya Muqdisho Lagu keenay

0

Qeybtii labaad maxaabiis soomaali ah oo ay tiradoodu gaareyso 13 oo laga keenay dalka liibiya ayaa maanta laga soo dejiyey garoonka diyaaradaha ee magaalada muqdisho.

Maxaabiistan ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee muqdisho ku soo dhaweeyey xubno ka tirsan golayaasha kala duwan ee dowlada iyo ehelada maxaabiistan,waxana ugu horeyn qaabkii ay u suura gashay soo deysmada maxaabiistan ka warbixiyey maryan yaasiin oo ah ergayga gaarka ah Ee xafiiska raysul waasraha u qaabillsan arimaha tahriibka iyo caruurta oo la socotay maxaabiistan.