DHAGEYSO:-Maamulka Degmada Garowe oo Tageeray Joojinta Bacda Madow iyo Isticmaalka Agab looga Maarmayo oo la keenay.

0

Maamulka gobolka Nugaal ayaa amar kasoo saaray Bacda Madow ee shacabku ay ku shaqaystaan laguna Geddo suuqyada kaladuwan ee Puntland.

Gudoomiye ku xigeenka degmada  Garowe ee gobolka Nugaal Mudane Cismaan Towxiid oo ka hadlayey kulan lagu soo bandhigayey Shirkad keentay Agabyo looga maarmayo Bacda ayaa ka Digay Isticmaalka Bacda isagoo sheegay inay deegaanka iyo xoolahaba ay tahay Aafo Waan waxba ka reebayn.

Mudane Cismaan ayaa carabka ku adkeyey inay ganacsatada deegaanada Puntland laga doonayo inay u daneeyaan Xoolaha oo iska joojiyaan Bacdaas.

Hadalkan ayuu gudoomiye ku xigenku ka yiri Bandhig ay Shirkada ECOPLAS kusoo bandhigaysay waxqabad looga maarmayo Bacda oo shirkadan ay Garowe kusoo bandhigtay.