DHAGEYSO:-Cabdullaahi Maxamed Cartan”Imaaraadka carabta xidhiidha ha u jarto dowlada dhexe hadii somaliland ay dal gooni ah u aqoonsadeen”

0

Aqoonyahan Cabdullaahi Maxamed Cartan oo kamid ah dadka sida weyn u falanqeeya siyaasadda caalamka ayaa waxaan la aqbali karin ku tilmaamay hadalka guddoomiyaha shirkadda DP WORLD ee la xiriira heshiiska dekadda Ber-Bera, kaas oo ahaa in DPW ay Somaliland u aqoonsan tahay dal madax banaan.

 

Mudane Cartan ayaa ku hadalkaas ku tilmaamay mid qayru-mas’uulnimo ah uuna hadalkaasi yahay fikirka dhabta ah ee ay qabto dawladda Imaaraadku, uxuuna dawladda Somalia ku boorriyey in ay arrintaas ka bixiso jawaab adag oo u qalanta.