Waxaa heshiis wada saxiixday Masuuliyiin ka kala socday Dowladda Itoobiya, Maamulka Soomaaliland iyo Shirkada Dp World,heshiiskaas heshiiskaas ayaa qeexayay in dowladda Itoobiya ay Saami ku yeelato Dhaqaalaha ka soo baxa dekada Magaalada Berbera.
Heshiiskaas ayaa loo fadhiyay mudo dhowr maalmood ah,waxana ugu dambeyn la isku raacay in 51% saamiga horumarinta dekedda yeelanaya shirkadda DPW, 30% waxaa yeelaneysa Somaliland, halka 19% ay yeelaneyso dowladda Itoobiya.