Ganacsade Caan Ah Oo Iska Fogeeyay Alshabaabkii Ka Baxsatay Xarunta Garoowe

0

Ganacsade C/fitaax Sugule ayaa bartiisa Facebooga, wuxuu soo dhigay qoraal uu kaga hadlay dhalinyaradii ka tirsanaa ururka Alshabaab ee lagu hayay Xarun xanaanaynta ( Safe house) e ku taal Caasimaad Garoowe. 10 dhalinyaro ay ka baxsatay xaruntaasi.

Qoraalka wuxuu ku sheegay in been iyo dacaayad tahay in wax xiriir ah la leeyahay maxaabiista Alshabaab ee ka baxsatay xarunta lagu hayay, waxaana uu yiri

“Waxaa kaxumahay warka Garowe online iga qortay ugana sababeeyay in aan maxaabiis hayo ayna fakadeen waa war been ah iyo dacaayado raqiis ah, waana wax laga naxo runtii dacaayadaas sababi kartna in ay dhib ii soo jiito.
Wariyaha xirfada leh waxa u horeeyo uu kafakaro waa badbaadada qofka uu magaciisa qorayo iyo wax ka soo gaari kara warka uu daabacayo.”

10 dhalinyaro ayaa habeen hore ka baxsaday xarun lagu xanaaneeyo caruurta Alshabaab oo ku taala Caasimadda Garoowe. waxayna qayb ka ahaayeen maxaabiistii lagu soo qabtay weerarkii Alshabaab ku soo qaadeen degaamada Garacad iyo Suuj ee gobolada Mudug iyo Nugaal 2016kii.

Wararkii u dambeeyay waxay sheegayaan in ciidamada amniga Puntland ay gacanta ku dhigeen saddex ka mid ah dhalinyarada baxsaday, iyadoo mid kalena maalintii shalay ahayd gacanta lagu dhigay. Waxaana weli lagu daba jiraa 6 kale oo la rumaysan yahay inay ku dhuumanayaa caasimadda iyo degaano hoos yimaada.