Madaxweynaha Galmudug Oo Gaaray Magaalada Dhuusa-Mareeb

0

Madaxweynaha Maamulka galmudug axmed ducaalle geelle xaaf ayaa daqiiqado ka hor gaaray magaalada dhuusa mareeb oo xarun u ah xukuumada galmudug.

Madaxweynaha waxaa garoonka ugaas Nuur kaga hortagay xubno ka tirsan maamulka galmudug oo uu horkacayo Madaxa xukuumada galmudug sheekh axmed shaakir kuwasoo si diiran ugu soo dhaweeeyey magaalada isla markaana u galbiyey xarunta ay maamulku ku leeyihiin magaalada.

Madaxweyne Axmed ducaalle geelle xaaf ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda uu bahwada warfidiyeenka uga waramo waxyaabihii ka soo qabsoomay safarkii uu mudada dheer ku joogay caasimada muqdisho.

Madaxweyne Xaaf ayaa maalmaha soo socda laga sugayaa inuu dhameystiro isku dhafka golaha wasiirada galmudug kaasoo qeyb ka noqonaya hirgalinta heshiiskii ay kal hore ku midoobeen Ahlu sunna iyo Maamulka Galmudug.