Eng Yariisow”Shacabka Ayuu Amnigu Ka Bilawdaa Iyaga Ayuuna ku Dhamaadaa”

0

Duqa magaalada muqdisho Eng C/raxmaan Yariisow ayaa Shacabka Muqdisho Ka Dalbaday In ka Qeyb Qaataan Xasilinta Amniga Caasimada si looga guuleysto ururka al shabaab oo dagaal adaga kaga soo horjeeda ciidamada dowlada.

Gudoomiyaha Gobolba banaadir ayaa sheegay in magaaladu ay xasileyso hadii shacabku ay la shaqeeyaan qeybaha kala duwan ee ciidamada.

Fariinta gudoomiyaha gobolka banaadir ayaa daba joogta qaraxyadii iyo weerarkii is bar bar socday ee galinkii danbe ee jimcihii tagay ka dhacay gudaha caasimada muqdisho