Madaxweyne Farmaajo Oo La Kulmay Mid Ka Mid Ah Senatorada Sare Ee Mareykanka

0

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa markii ugu horeysay Muqdisho waxaa uu kula kulmay Senator  ka tirsan Aqalka Sanet-ka dalka Mareykanka oo lagu  Magacaabo Jack Reed.

Kulanka labada dhinac ayaa waxa ay uga wada hadleen, dhinacyada Amniga, Dhaqaalaha, horumarka iyo laamaha kala duwan ee dowladda,sida lagu daabacay barta facbook ee howlgalka AMISOM  Soomaaliya ee U.S. Mission to Somalia.

Kulankaan ayaa dhacay 20 Bishaan,waxana kulanka uu ahaa mid dhex maray kaliya Madaxweyne Farmaajo iyo Jack Reed,waxana uu ahaa mid sidoo kale la isku soo hadal qaaday howlgalada dhanka cirka ah oo diyaaradaha mareykanka ay la bartilmaameed sadaan xarumaha AL-shabaab ay ku leeyihiin deegaanada ay Maamulaan.

In kastoo kulankaasi faah faahin dheeraad ah laga bixin hadana weli Madaxtooyada soomaaliya Wax war ah kama soo saarin kulanka markii ugu horeysay  Muqdisho ku dhex maray tan iyo markii la doortay Madaxweyne Farmaajo Senator Jack Reed oo ka tirsan Aqalka Sanad-ka Mareykanka.

Mareykanka ayaa ka mid ah dowladaha Waaweyn ee taageera Soomaaliya,waxana Mareykanka Gudaha Soomaaliya ka joogaa saraakiil tababar siisa Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya sidoo kalena mararka qaar fuliya duqeymo dhanka cirka ah oo lala beegsada Fariisinada Al-Shabaab ee Gobolada qaar.