Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam oo shir gudoomiyay kulan lagaga hadlayay tageerada Dowlada Turkiga ee Jubbaland (sawiro)

0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa caawa shir gudoomiyay Shir lagaga hadlayay tageerada Dowlada Turkiga ee dhinacyada Samafalka adeegyada hormarinta iyo amaanka ee Jubbaland.

Masuuliyiinta labada gole ee Dowlada iyo xubno kala duwan ayaa kulanka ku matalayay Jubbaland iyadoo dhinaca turkigana ay kasocdeen Safiirka Turkiga ee Soomaaliya Olgan Bekar iyo Xog-hayaha Dowladaha Hoose ee Turkiga Hayrettin Gungor iyo masuuliyiinta Hay’adaha Turkiga ee ka howlgala Soomaaliya.

Waxaa kale oo shirkan ka qayb galay Wasiirka Howlaha guud ee Dowlada Federaalka Soomaaliya Mudane Eng, Saadiq Cabdulahi Cabdi,

Shirkan oo socon doona mudo labo maalmood ah ayaa diirada lagu saari doona hormarinta kaabayaasha dhaqaalaha Jubbaland iyo taakulada Dowlada Turkiga ay ka gaysan karto sidii loo hormarin lahaa si gaar ah dhismaha Magaalooyinka adeegyada Caafimadka Waxbarashada kaluumaysiga xoolaha iyo beeraha.

Madaxweynaha Jubbaland oo kulankan Khudbad ka jeediyay ayaa sheegay in Jubbaland ay diyaar u tahay maalgashiga kala duwan iyo tageerada Bulshada Caalamka si horay ay ugu socdaan howlaha la xiriira samafalka iyo adeegyada Bulshada.

Madaxweynahu wuxuu hoosta ka xariiqay in Turkigu uu door muhiim ah ka yahay tageerada Soomaaliya isla markana uu yimid xili ay Soomaalidu u baahnayd tageeradooda isagoo xusay in loo baahan yahay dalka oo dhan waxqabadkooda in ay gaarsiiyaan.

Jubbaland ayuu Madaxweynahu sheegay in ay baahi weyn u qabto tageerada dhinaca amaanka iyo taaba galinta kaabayaasha dhaqaalaha oo wax badan oo bilow ah laga sameeyay.

Amaanka deeganada xorta ah ayuu Madaxweynahu sheegay in ay saamaxayso in la maalgashado isla markana laga faa’iidaysto si mar walba ayna dadku tageero dibada ah ugu tiirsanan.

Howlaha dib u xoraynta ayuu Madaxweynahu sheegay in ay tageero Jubbaland uga baahan tahay dhamaan saxiibada Soomaaliya in ay ku garab istaagan sidii Argagixisada looga saari lahaa deeganada hodanka ah ee Jubbaland Dowlada Turkiga tageeradeeduna ay lagama maarman tahay.