Dhageyso”Aadan Barre Ducaale “Shirar Dowlada Soomaaliya Looga Soo Horjeedo Ma lagu Qaban Karo Kenya”

0

Xildhibaanka laga soo doorto magaalada Gaarisa Aadan Barre Ducaale oo sidoo kale ah gudoomiyaha Aqlabiyada Baarlamaanka dalka Kenya ayaa cod dheer ku sheegay in dowlada kenya aysan aqbaleynin in dalkeeda laga qabto kulamo ama shirar looga soo horjeedo dowlada fedraalka ee soomaaliya.

Masuulkan ayaa intaasi ku daray in iyaga ka kenya ahaan uu xiriir dhaw kala dhaxeeyo dhigooda soomaaliya isla markaana ay jecel yihiin in ay arkaan soomaaliya oo cagaaheeda isku taagtay.