DHAGEYSO:-Madaxweyne waare oo lagu eedeyay in uu hareer maray Dastuurka Maamulka Hir-Shabeelle

0

Waxaa haatan soo baxaya khilaaf horleh oo soo kala dhex galay Madaxweynaha Maamulka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare iyo Xildhibaanada Maamulkaas.

Xildhibaanada qaarkood ayaa madaxweyne Waare ku eedeynaya in uu hareer maray Dastuurka Maamulka Hir-Shabeelle isla markaana uu Magacaabay xilal isaga oo aan latashiyo la sameyn Xildhibaanada Baarlamanka Hir-Shabeelle.

Xildhibaan Geelle Isaas Warsame oo ka mid ah Baarlamanka hir-Shabeelle ayaa sheegay in Madaxweyne Waare uu Magacaabay, xilal ay ka mid yihiin Taliyayaal ciidan iyo Guddi Madax Banaan kuwaas oo aan la horkeenin Baarlamaanka Hir-Shabeelle.