Axmed Madoobe iyo Madax ka tirsan dalka turkiga oo booqday Deegaanka Goobweyn

0

Mudane Axmed Maxamed Islaam Madaxweynaha maamulka Goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya  oo ay wehelinayaan Wafdi uu hogaaminayo Safiirka Dowlada Turkiga ee Soomaaliya Olgan Bekar oo uu kamid yahay madaxa Dowladaha hoose ee Turkiga Hayrettin Gungor iyo Ganacsato iyo masuuliyiin kasocda Hay’adaha hormarinta wadankaas ayaa maanta booqday deegaanka Goobweyn ee Gobolka Jubada hoose halkaas oo qani ku ah khayraadka kala duwan oo uu eebe ku maneystay

madaxda ka Timid dalka Turkiga ayaa halkaas ka sameeyay indho indhayn la xiriirta sidii deegaankan loo maalgalin lahaa isla markana looga faa’iidaysan lahaa dhulka hodanka ah ee Jubbaland,iyagoo booqashadooda goobweyn  ku tilmaamay mid faraxad badan ay ka dhaxleen.

Dowlada Turkiga ayaa soomaaliya kaalin weyn ka siisa arimo fara badan sida waxbarashada, caafimaadka,ciidanka iyo hirgalinta mashaariicda, iyagoo soomaaliya ku leh saldhiga ugu weyn ee turkiga afrika ku leeyihiin