AKHRISO:- Puntland oo Jawaab ka bixisay Jirdil loogu Gaystay Magaalada Garowe Wariye Khaliif Gelle

0

Iyadoo magaalada Garowe shalay Waxyeelo ay gaarsiiyeen Ciidamada Madaxtooyada dawlada Puntland qayb kamid ah Wariye Khaliif Geelle oo ka tirsanaa Shaqalaha Radio Garowe iyo Jubbalandtv ayaa arintaasi ay ka hadashay dawlada Puntland.

Taliyaha Ciidanka Madaxtooyada Puntland Abdirashiid Abdirahim Ismail oo qoraal kusoo dabacay bartiisa Facebooka ayaa sheegay inuu ahaa khaladkan mid dhacay ayna gaysteen ciidamada kadib Digniin lasiiyey wariyaha sida uu sheegay Taliyaha kana dhaga Adaygay Amarkii Ciidanka.

Taliyaha ayaa sidoo kale wuxuu sheegay in dhamaan Bahda warbaahinta iyo Ururka Wariyaasha Puntland ay ku midaysanyihiin ee MAP uu ka raali galinayo Khaladkii ay gaysteen ciidamadii xiligaasi ku jiray Hawlgalka wuxuuna sheegay inuu Go,aan adag kasoo saarayo arintaasi.

Mudane Abdirashiid Abdirahim Ismail ayaa sidoo kale wuxuu kulamo kaladuwan la qaatay Wariyaashii ku hawlanaa Caafimaadka wariye Khaliif Gelle iyo sidoo kale Bahdii uu ka tirsanaa uu ka raali galiyey Khaladka ka dhacay Ciidamada Madaxtooyada.

Ugu danbayn Taliyaha ayaa Digniin u diray Shaqasiyaad uu sheegay inay ka shaqaynayaa Sidii ay u kala dili lahayeen Ciidamada Madaxtooyada iyo Wariyaasha taasoo uu sheegay inaysan jirin Xiligan cid isaga dhow sida uu sheegay taliyaha.