DHAGEYSO:-Ehelada Askari ay dileen Ciidanka AMISOM oo sheegay in aan la’aaseyn

0

Ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM Ayaa Ku Dilay Askari ka tirsan Ciidamada dowladda barkoontorool oo ku taalla Isgoyska km4 halkaas oo laga ilaaliyo Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada muqdisho.

Xiliga uu falkaan dhacayay ayaa dagaal u dhaxeeyay rag ka tirsan Shabaab iyo ciidanka dowladda waxa uu ka socday meel aan ka fogeyn Madaxtooyada,waxana Askarta ku sugan Koontorolka ay Ciidamada AMISOM u diideen in ay koontoroolkaas gudbaan halkaasna ay ciidamadii AMISOM rasaas ku fureen sixooga ahna ugu gudbeen.

Goobtaas ayaa waxaa ku geeriyooday mid ka mid ah Askarta Ciidamada Dowladda oo lagu Magacaabi jiray Axmed Xuseen Cabdi sida ay xaqiijiyeen Eheladiisa.