Munaasabada Xuska 48-Guurada Ciidanka Asluubta Oo Maanta Ka Dhaceysa Muqdisho

0

Maanta ayaa lagu wadaa in Magaalada Muqdisho lagu qabto munaasabad lagu xusayo 48-guuradii ka soo wareegtay markii la’aas-aasay ciidanka sluubta Soomaaliyeed.

Munaasabada ayaa waxa ay ka dhici doontaa Xarunta Taliska ciidanka Asluubta gaar ahaan qeybta Xero Maslax,waxana ka qeybgeli doona Masuuliyiin uu ka mid yahay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac ayaa hambalyo u diray Taliska Ciidanka Asluubta oo barri u dabaal degaya Sanadguuraddii 48aad ee kasoo wareegtay markii la aas-aasay ciidankaasi oo ku beegan 22-February sanadkii 1970kii.

“Sanadguurada 48aad ee kasoo wareegtay markii la aas-aasay Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo ku beegan maanta  ah owgeed, waxaan Hambalyo leeyahay, Sareeyeyaasha, Saraakiisha, Saraakiil xigeennada, Alifleyda dableyda Ciidanka Asluubta, Xaasaskooda iyo dhammaan Ummadda Soomaaliyeed inay horumar ku gaaraan sanadkan kiisa kale” ayuu yiri Sareeyo Guud Bashiir.

Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa maalmahan diyaar garowgii ugu dambeeyey ugu jira qabashada Xuska Maalintii la aas-aasay Ciidanka Asluubta oo ku beegan 22 Febraury, waxayna sanadkaan u dabaal dagayaan Sanad guuradoodii 48aad, iyadoo maalmahan ay ciidamadu wadeen diyaar garow ay ugu jiraan xuska maalinta la aas aasay.

Xuska Sanadkaan ee Sanadguuradii 48,aad ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa ku soo aadeysa xili Maalin ka hor isbedel lagu sameeyay hogaanka Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed,iyada oo taliyaha Ciidanka sluubta loo Magacaabay Bashiir Maxamed Jaamac(Bashiir Goobe).