Dowladda Itoobiya oo xabsiga ka sii deysay maxaabiis ka tirsana ONLF (sawiro)

0

Mas’uuliyiinta Maamulka Dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya ayaa xabsiga ka sii daayay ku dhawaad 1,500 Qof oo ka tirsan Jabhadda Mucaaradka ah ee ONLF ee ka dagaallanka dhulka Soomaalida Itoobiya.

Siideynta Maxaabiistaan ayaa lagu soo beegmay xilli wadahadal qaatay maalmo badan ay yeesheen ONLF iyo sidoo kale dowladda Itoobiya.

Dadkaan faraha badan ayaa laga sii daayay Xabsiga Jeel Ogaadeeniya ee Magaalada Jigjiga ee Xarunta ay ku shaqeyso dowlad deegaanka Somalida dalka Itoobiya.

Dowladda Itoobiya ayaa dhawaan xabsiga ka siidaysay boqolaal ka mid ah Kooxaha Mucaaradka ah ee Oromadda.