DHAGEYSO:-Wasiirka amniga soomaaliya oo soo diray fariin ku socota siyaasiyiinta hamiga xun

0

Maxamed abuukar islaw ducaale wasiirka amniga soomaaliya ayaa hadal u muuqda in uu fariin ugu dirayo siyaasiyiinta mucaaradka ah wuxuu ka sheegay xaflad uu xilka kula wareegayay taliyaha cusub ee ciidanka NISA oo malmo ka hor la magacaabay

Wasiirka ayaa sheegay in soomaaliya xiligan ay ka soo gudubtay xil la isku qabsado ayna taasi cadayn u tahay hormarka dowladnimo ee xiligan ka muuqda dalka wuxuu ugu baaqay siyaasiyiinta dhaliilsan madaxda qaran in ay arkaan horka  dalka ka jira iyo waliba jidka toosan ee xiligan lagu socdo