WARBIXIN:- Maxay soo kordhin karaan Taliyeyaasha cusub

0

Kadib magacaabista Taliyeyaasha Ciidanka Boliiska, Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) iyo Taliyaha Ciidanka Asluubta, hadaba maxay soo kordhin karaan raggan cusub, maxayna kaga duwan yihiin Taliyeyaashii hore.

Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Soomaaliya iyo Hay’adda Booliska ma aysan laheyn Taliyeyaal mudo ku dhow Afar bilood, kadib markii xilalkii hal kol laga wada qaaday Sambaloolshe iyo Saacid, 29-kii October 2017-kii.

Xilka qaadista labadaasi Taliye ayaa soo da dejisay kadib markii Muqdisho bil gudaheed ay ka dhaceen laba Qarax oo kala ahaa midkii Zoobe iyo kii kale ee Hotel Naasa-hablood oo Madaxtooyada Soomaaliya wax ka yar u jira.

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S/gaas Bashiir Cabdi Maxamed, wuxuu hada ahaa Taliye ku xigeenka labaad ee Ciidanka Booliska, waa sargaal guun ku ah hanaanka ciidmada Booliska wuxuu daganaa London oo uu maamule ka ahaa shirkada lagu magacaabo cooperative.

Saddex sano ka hor ayaa shaqadaasi uu ka tagay si uu wax ugu biiriyo Booliska Soomaaliya oo mudooyinkan uu la shaqeynayay, Dadka falan qeeya Siyaasadda ayaa qaba sarkaalkan inuu ka hoos shaqeynayay markii hore laba Taliye oo isaga ka sareysay, balse isaga oo taas ka duulaya laga filan karo inuu la yimaado isbedel iyo horey u socod.

Taliyaha cusub ee Ciidanka Asluubta Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe) ayaa kahor inta aan xilkan loo magacaabin ahaa La Taliyaha dhinaca arrimaha Ciidamada Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo), sidoo kale horey ayuu u soo qabtay hoggaanka Nabad Sugidda iyo Asluubta.

Bashiir Goobe ayaa dadka ka hadla arrimaha ciidamada waxa ay aaminsan yihiin in marki horeba ay qalad aheyd in xilka qaadis lagu sameeyo, hadana uu ka soo bixi karo shaqadan uu horey hoggaankeeda u soo qabtay, horey ayuu Gen. Goobe ugu guuleystay dib u dhiska Xabsiga dhexe, kor u qaadista xuquuqda Maxaabiista.

Dowladda Soomaaliya ayaa sanad wax ka yar waxa ay shaqada ka ceyrisay Gen. Bashiir Goobe Taliyaha Asluubta, ku dhowaad sanad kadib shaqadii ayaa loogu soo celiyay,

Taliyihii Ciidanka Asluubta S/Gaas Xuseen Xasan Cismaan ayaa 9-kii April 2017-kii xilkan kala wareegay Bashiir Goobe oo xilkan dib loogu soo celiyay markale.

Taliyaha Asluubta ayaa xilligii xilka qaadista lagu sameynayay ku guda jiray howlihiisa shaqo, sidoo kale wuxuu u diyaar garoobayay xuska Maalinta Ciidanka Asluubta oo ku beegsan Khamiista soo socota, 22-ka bishan.

Taliyaha Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) Xuseen Cismaan Xuseen ayaa hada ah Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka, sidoo kale wuxuu ka tirsan yahay Baarlamaanka Soomaaliya.

Dadka qaar ayaa qaba Dowladda in ay isaga dhex yaacsan tahay Siyaasadda iyo Amniga, waxayna sheegeen in aragti ahaan aysan qabin qof aanan in mudo ah ku soo jirin in arrimaha Ciidamada in loo magacaabo Taliye amni.

Taliyihii hore ee Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Gen. Tuuryare oo la hadlay VOA-da ayaa sheegay magacaabista Taliyeyaashan in ay tahay talaabo ay horey u qaaday Dowladda Soomaaliya, wuxuuna tilmaamay in ay ka fursad fiican yihiin Taliyeyaashii hore.

Dowladda Federaalka ayaa looga bartay in aysan wargelin xubnaha ay xilka qaadista ku sameyneyso, mar qurana ay ogaadaan in xilka laga qaaday iyaga oo ku guda jira howlahooda shaqo, taasi oo nabar iyo naxdin ku noqioneysa masuulka xilka qaadista lagu sameeyay, Dowladda marka ay masuulka u magacaabeyso xilka waa ay ku wargelisaa, sida muuqata.

Aan dib u laabano Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad ayaa sheegay xilka qaadistii horey loogu sameeyay inaan lagu soo wargelin, un keliya uu u soo sheegay qof jooga Mareykanka, kadibna uu soo wacay Wasiirka Warfaafinta, sidaasina loogu xaqiijiyay, waqtigaasina wuxuu ku guda jiray Howl uu Ra’iisul Wasaaraha u xilsaaray, maalinkaasina uu doonayay inuu horgeeyo Golaha Wasiirada.

Wasiirkii Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi Faarax Juxa, wuxuu sheegay xilka qaadistii lagu sameeyay inuu ka maqlay oo keliya Idaacadaha, xilligaasina uu u diyaarinayay Booqasho Madaxweynaha uu ku tagayay degaanada Puntland iyo Galmudug.

W/D:- Abdirashiid Ali Dubbad Gacal