Warar Dheeraad ah oo laga helayo Dagaal Ka Dhacay Dagmada Qoryooleey

0

Wararka aan ka helayno gobolka shabeellaha hoose ayaa sheegaya in habeen hore kooxda al shabaab ay weerar culus ku qaadeen xarumo ciidan oo ciidamada dowlada soomaaliya ay ku leeyihiin dagmada qoryooleey ee gobolka shabeelaha hoose

Weerarkan oo dhacay xili habeen ah ayey labada dhinac isku adeegsadeen hubka fudud iyo kan culus,waxana daryanka rasaasta laga maqlayey guud ahaan dagmada qoryooleey iyo deegaanada ku xeeran

Ciidamada dowlada ayaa iska caabiyey weerarkii ugu yimid dhanka al shabaab,kadib gurmad xoog badan oo ay heleen,iyadoo dirirtu ay socotay in ku dhaw saacad.

ilaa hada lama oga khasaaraha rasmiga ah ee labada dhinac soo kala gaaray,walow dadka deegaanka ay warbaahinta u xaqiijinayaan in weerarkaasi uu sababay khasaare xoog leh

Dowlada soomaaliya ciidamadeeda kala duwan ayaa maalmihii ugu danbeeyey howlgalo balaaran ka waday gobolka shabeelaha hoose,waxana todobaadkii tagay ay dib uga baxeen deegaano ay shabaab kala wareegeen.