Madaxweynaha Puntland Oo Kormeeray Qaar kamida Xarumaha Dawladda Puntland(sawiro)

0

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo ay taarikhdu tahay 21 Feb 2018 waxaa uu kormeer ku sameeyey qaar kamida xarumaha dawladda Puntland ee ku yaala caasimada Garoowe,  xarumahaas oo ay ka mid ahaayeen xarunta Dawladda Hoose, xarunta denbi-baadhista iyo xarunta laanta socdaalka iyo jinsiyadaha.

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ugu horeen waxa uu kormeerkiisa ka bilaabay xarunta Dawladda Hoose ee Garoowe xili ay ka socotey shaqada maalin laha ah ee ay qabato dawladda hoose, halkaasi oo Madaxweynuhu kulan kula qaatay duqa dagmada Garoowe iyo xoghayaha Dawladda Hoose, kadibna  xog waraysi kala yeeshay sida ay ugu shaqeeyan bulshada iyo dadka kayimada Goblada Waqooyi iyo Koonfurta Soomaaliya, kuwaas oo magalada Garoowe u yimaada si ay u sameestaan Baasaboorada iyo dhalashada Soomaaliya.

Xilgii madaxweynaha Dawlladda Puntland uu ku guda jiray kormeerka ayaa madaxweynuhu waxaa uu mid-mid u galay xafiisyada kala duwan ee Dawladda Hoose ee Garoowe, halkaas oo ay goob joog ahaayeen shaqaalaha iyo shacabkii loo shaqeenayey, kuwaasi oo salaan guud iyo  is xog waraysi kadib uu madaxweynuhu kula dardaarmay shaqaalaha Dawaladda hoose ee Garoowe inay dardar geliyaan shaqada ay u hayaan shacabka,  isla markaana ay ugu adeegaan si hagar la’aan ah.

Dhinaca kale  Madaxweynha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo kormeer kiisa sii wata ayaa waxaa uu booqday xarumaha denbi baadhista (CID) iyo xarunta laanta socdaalka iyo jinsiyadaha, halkaasi uu madaxweynu kula kulmay maamulka xarumahaasi, isla marhaantaa waxaa uu madaxweynhu ka xog wareesata sida ay shaqdu u socoto, kadibna  kula dar-daarmay shaqaalaha xafiisyadaasi inay bulshada si daacda ugu adeegaan.

Sidoo kale Madaxweynha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa goobihii adeega loogu samaynayey bulshada waxaa uu kula kulmay shacab soomaaliyeed oo badankiisu ka yimi Gobolada Waqooyi Soomaaliya, waxaana ka mid ahaa dad bukaan socod ah oo baahi weyn uqabay in ay helaan adeeg caafimaad oo dibada ah, kuwaas oo Madaxweynuhu u amary in si deg deg ah loogu sameeyo adeega ay u baahan yihiin.

Ugu danbeen Madaxweynha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa waxaa uu booqsho ku tagay safaarada Ethopia waxaana halkaas ku soo dhaweeyey  Qunsulka safaarada Ethiopia Ambasador Esmalash, iyada oo booqashada kadib Madaxweynaha Dawladda ayaa kulan gaar ah la qaatay Danjiraha Dawllada Ethiopia ufadhiya Puntland.