Guddoomiye Yarisow “Haweenka la’aantood dawladda ma shaqeyn karto waayo waa laf-dhabarka bulshada” (sawiro)

0

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa kulan la qaatay ururada Haweenka Gobolka, isagoo ku bogaadiyey kaalinta muuqata ee ay ku leeyihiin hor-u-socodka Caasimadda.

Duqa Muqdisho ayaa xaqiijiyey in wada shaqeynta dhow ee ka dhaxeysa Haweenka Soomaaliyeed iyo maamulka ay furo u tahay soo celinta amniga Caasimadda iyo guud ahaan gobolka Benaadir.

“Haweenka la’aantood, dawladda ma shaqeyn karto waayo waa laf-dhabarka bulshada, kaalintiinuna waa mid muhiim ah maadaama aad sidoo kale door weyn ka ciyaari kartaan horumarka iyo dhismaha dalka. Idinkoo adeegsanaya fursadahaas waa in aad ka shaqeysaan sidii loo heli lahaa ummad midaysan oo ka fekeraysa mustaqbalka dalka iyo dadkooda”.Ayuu yiri Guddoomiye Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan.

Qaar kamid ah Haweenkii kulanka ka hadlay ayaa uga mahadceliyey Guddoomiyaha sida ay uga go’an tahay in door muhiim ah ay ka ciyaaraan maamulka siyaasadda dalka, isla markaana ay diyaar u yihiin in ay ka qeyb qaataan horumarinta bulshada ku nool Caasimadda.

Eng.Yarisow ayaa ugu baaqay bulshada gobolka Benaadir in ay ka wada qeyb qaataan Todobaadka Nadaafadda oo ku beegan bil walba dhammaadkeeda, kaas oo dhaqan soo jireen u ah daadallada bilicda iyo nadaafadda ee ay sida wada jirka ah uga wada shaqeeyaan bulshada iyo Maamulka.