Dowladda Mareykanka oo Beenisay in Askari Loogu Dilay Gudaha Soomaaliya

0

Waaxda dowladda mareykanka u qaabilsan howlgalada Africa ee Africom ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamtay warar sheegaya, in Ururka Al-shabaab askari katirsan ciidankooda ay ku dishay weerar ka dhacay koonfurta Somalia meel aanan sidaas uga fogeen magaalada Kismayo.

Majiro wax askari oo nalooga dilay, ama nalooga dhaawacay howl galkaas, sidaas waxaa Xinhua u sheegay afhayeenka Africom ee lagu magacaabo Samantha Reho.

Warbaahinta ku hadasho afka Al-shabaab ayaa shalay waxaa lagu baahiyay, in weerar ka dhacay duleedka magaalada kismayo ay ku dileen askari mareykan ah.

Baryihii dambe weeraro ay qaadayeen ciidamada dowladda, oo taageero kahelayo kuwa midowga Africa ayaa waxa ay kula wareegeen, goobo farabadan oo muhiim u ahaa Alshabaab  kuwaas oo ku yaalaya qaybo farabadan oo kamid ah, Gobolka shabeelada hoose, ayadoona dowladda Somalia sheegtay in sidoo kale ay gacanta ku dhigtay Fm’kii idaacada Al-andulus taas oo ku hadli jirtay afka  Al-shabaab.

Ciidamada qaaska ah ee dowladda mareykanka u qaabilsan, howlgalada geeska Africa ayaa lagu sheegaa in ay gaarayaan 500 oo askari ayagoona dhowr jeer hawl-galo kala duwan ka fuliyeen qaybo farabadann oo Somalia kamid ah.