DHAGEYSO+SAWIRO:-Masuuliyiin Ka Qeyb Gashay Salaadii Janaasada Ee Marxuum Nabadoon Axmed Diiriye

0

Masuuliyiin uu ka mid ahaa Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali kheyre ayaa ka qeyb gashay Salaadii Janaasada oo Masjidka Isbaheysiga Islaamka lagula dukaday Allaha u Naxariistee Nabadoon Axmed Diiriye Cali oo habeen ka hor ku geeriyooday Muqdisho.

Sidoo kale waxaa Salaada Janaasada ka qeyb galay Wasiiro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya oo uu ka mid ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha Wasiirka Amniga, Xildhibaano,Odayasha Dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee Bulsahda

Meydka Nabadoon Axmed Diiriye Cali ayaa loo qaaday Magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud oo lagu aasi doono maadaama inta uusan geeriyoon ka hor uu ku dardaarmay in lagu aaso.