Dhageyso”RW Kheyre Oo Xaqiijiyey in Xukuumada ay hal malyan oo dollar ku bixineyso dhismaha akadeemiyada cilmiga fanka iyo suugaanta soomaaliyeed

0

Raysul wasaaraha soomaaliya xasan cali kheyre ayaa sheegay in xukuumadiisu lacag hal malyan oo dollar ah ay ku bixineyso dhismaha akadeemiyada cilmiga fanka iyo suugaanta soomaaliyeed taasoo lagu daray miisaaniyada dowlada ee sanadka 2018-ka

Hadalkan ayuu raysul wasaaruhu ka sheegay xuska maalinta caalamiga ah ee afka hooyo oo lagu qabtay akadeemiyada cilmiga fanka iyo suugaanta ee maagaalada muqdisho.