Dhageyso”Ehelada Marxuum Axmed Diiriye Oo madaxda Qaranka Uga Mahad celiyey qaabkii ay ugu soo qeyb galeen tacsida marxuumkaasi

0

Madaxda qaranka ayaa maalintii shalay ahayd siyaabo kala duwan u booqday aqalka uu magaalada muqdisho kaga noolaa alle ha u naxariistee nabadoon axmed diiriye cali oo habeen hore ku geeriyooday isbitalka madiina ee magaalada muqdisho

Masjidka isbaheysiga islaamka ayaa lagu wadaa in maanta salaada janaasada lagula tukado marxuumka,waxana oogida salaadaasi ka soo qeyb galaya madaxda dalka ugu sareysa.

marxuum axmed diiriye ayaa marka lagu tukado salaada janaasada la filayaa in loo qaado magaalada cadaado halkaasi oo lagu aasi doono haduu alle ka raali noqdo

Imaam cumar macallin abshir oo ka mid ah odayashii soo xulay xubnaha barlamanka isla markaana ay xigto dhaw yihiin marxuumka ayaa madaxda dowlada uga mahad celiyey hab maamuuskooda.