DHAGEYSO:-Wasiir Beyle oo Ka Hadlay Khilaafka Wasaaradiisa iyo Ganacsatadda

0

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaliya Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa ka hadlay cabashadda Ganacsatadda Gobolka Banaadir, ee ku aadan canshuurta lagu kordhiyay.

 Wasiirka ayaa sheegay in  lacagta  laga doonayo ganacsatada ay tahay waajib dawli ah oo ku qoran sharciyada waddanka.

Waxaa dhinaca kale uu sheegay in dawladda Soomaaliya laga doonayo inay kasoo baxdo waajibaadkeeda saaran gudaha iyo dibedda sida inay bixiso mushaharaadka iyo inay sidoo kale guddo qaanta lagu leeyahay.

Waxa uu sidoo kale sheegay in bixinta canshuurta la’aanteed aysan dawladda Soomaaliya awoodi doonin inay iska bixiso kharashaadka ku baxa maamulka hawlaha dawladda.