RW Oo Magacaabay Madaxa Unugga Isku Xirka Deeqaha

0

R/wasaaraha xukuumadda F. Soomaaliya mudane Xasan Cali Kheyrre ayaa Muxumed Xuseen Axmed u magacaabay Madaxa Unugga Isku Xirka Deeqaha, kaasoo ka shaqeyndoona arrimaha la xiriira Deeqaha.

Unuga Isku  Xirka Deeqaha (Aid coordination unit- Acu) wuxuu u taaganyahay  taabba gellinta iyo socodsiinta hannaanka fullinta qorshaha Qaranka , isku xirka deeqa iyo taabba gellinta hannaan ay ku wada hadlaan Soomaaliada iyo deeq bixiya yaasha,  waxay ka caawisaa hannaanka qorshaha Qaranka taageero farsamo sida arrimaha xog ururinta iyo loojistikada. Waxay qaban qaabisaa  shirar kala duwan ee qorshaha Qaran lagu taabba geliyo., sida

Hannaanka Wadaagga ee Soomaaliya ( Somalia Partnership Forum) Sanduuqa dib u diska Soomaaliya ( SDRF) Shirarka Tiirarka   (Pillars)

Sidoo kale waxay dawladda ka caawisaa isku xirka hay’adda dawladda, iyo gobollada daba galka Dhaqdhaqaha Deeqaha ( aid mapping Exercise)

Xigasho Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed