Dhageyso”Dab xoogan oo ka kacay garaash ku yaala dagmada yaaqshid

0

Dab Xoogan ayaa barqanimadii maanta ka kacay garaash ku yaala xaafada carafaad ee dagmada yaaqshid,waxana dabkaasi ku geeriooday wiil dhalinyaro ah oo ka shaqeynayey geerashkaasi.

Qof goobjooge ah oo la hadlay mid ka mid ah idaacadaha muqdisho ayaa uga waramay geerida ruuxaasi iyo waxyaabihii dhaliyey dabkaasi.

Goobjoogaha ayaa sidoo kale xaqiijiyey in lagu guuleystay daminta dabkii maanta ka kacay garashka ku yaala xaafada carafaad,iyadoo ay kaalin weyn ka qaateen sida uu sheegay gawaarida dab damiska ee gobolka banaadir.