DHAGEYSO:-Xukun Dil Ah Oo Lagu Riday Sarkaalkii Dilay Siciid Mariino

0

Maxakamadda Darajada 1-aad ee Ciidanka Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa xukuno isugu jira  Dil iyo Darajo Qaadis ku ridday G/sare C/naasir Xoosh oo dilay EX. Abaanduulihii Ciidanka Badda Soomaaliyeed Siciid Aadan yuusuf (Siciid Mariino).

Kadib dhagayesiga dacwadda loo haystay C/naasir Xoosh oo maalmahan ay maxakamadda hortaalay ayaa la soo geba gebeyeey iyadoo go’aan ay ka gaartay Maxakamadda Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

 

Guddoomiyaha Maxakamadda Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida G/sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaana sheegay in xukun dil toogasho ah lagu riday C/naasir Xoosh.