DHAGEYSO:-Maxaa ka jira in Shariif Xasan uu Heshiis qarsoodi ah la galay shirkado shidaal baaris

0

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa beeniyay in heshiis uu la galay shirkado shidaal baaris ka sameynaya deegaanada maamulkaasi.

Waxaana uu sheegay in dalka Jabuuti oo uu dhawaan gaaray u tagay kaliya arrimo la xariira horumarka iyo dib u dhiska maamulkaa koonfur galbeed

Madaxweyne Shariif Xasan ayaa hoosta ka xariiqay in dadka faafinaya wararkaasi ay yihiin kuwa doonaya in ay dumiyaan dhismaha maamulka K/ Soomaaliya.

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ayaa lagu eedeeyay inuu Heshiis qarsoodi ah la soo galay shirkado fadhigooda uu yahay dalka Jabuuti,kuwaasi oo doonaya iney howlgal shidaal baadhis ka sameeyaan  deegaanada Koonfur galbeed.