DEG DEG:Nabadoon Axmed Diiriye Oo Caawa Muqdisho Ku Geeriyooday

0

Alle Naxariistee Jano haka waraabiyee waxaa caawa Magaalada Muqdisho ku geeriyooday Nabadoon Axmed Diiriye oo ka tirsanaa odayaasha dhaqanka soomaaliyeed.

Nabadoonka ayaa mudooyinkii ugu danbeeyey ku xanuusanayey gudaha Magaalada Muqdisho,waxana dhowr goor xaalad caafimaad loogu qaaday dalka dibadiisa.

Qeybaha kala duwan ee warbaahinta waxaa u xaqiijiyey geerida nabadoon axmed diiriye mudane Maxamed tuulah oo ah Gudoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasada Maamulka gobolka Banaadir oo xaqiijiyey in nabadoonka uu ku geeriyooday gudaha isbitalka digfeer ee magaalada muqdisho.

Axmed Diiriye Cali ayaa lagu xasuustaa kaalintii uu ka soo qaatay dowladnimada iyo taageerida xukuumadihii dalka soo maray isagoo ka qeyb qaatay kulamo badan oo lagu xalinayey khilaafaad u dhaxeeyey beelo walaalo ah oo soomaaliyeed.