DHAGEYSO:-Ururka ONLF oo war lama filaan ah ka soo saaray wada hadalkii ay itoobiya kula galeen Kenya

0

Magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxaa ka dhacay wadahadalo u dhaxeeyay Masuuliyiin kala matalaya Jabhada ONLF iyo dowladda Itoobiya six al looga gaaro dagaalka mudo soo socday ee dhexmaray labada dhinac.

Wadahadaladaas oo aan weli ka soo bixin qodobo ayaa hadana Warbaahinada qaar wax ay qorayeen in lagu kala tegay oo uu fashilmay balse waxaa arrintaasi ka hadlay Madaxda Sare ee Jabhada ONLF.

Afhayeenka Ururka ONLF Cabduqaadir Xasan Hirmooge ayaa sheegay in wadahadaladaas ay si ku meel gaadh ah loo hakiyay kadib markii Guddiga dhex dhexaadinta ahaa ay dalbadeen.