AKHRISO:- Maxay u baahan yihiin Shacab weynaha waqooyiga Galguduud?

0

Shacabka Waqooyiga Galguduud waa dad ay ku badan tahay daacadnimada, kuna weyn tahay Soomaalinimada, 27-kii sano ee lasoo dhaafayna waxa ay waayeen hogaan dhaqan iyo mid siyaasadeed oo si daacad ah ugu adeega danahooda.

Taas ayaa waxa ay sababtay in dadka sidaa ahaa ay waayaan waxbadan oo ay xaq u lahaayeen, sidoo kalena waxa ay taasi abuurtay inay wajahaan tafaraaruq dhan walba ah oo yam yam iyo qadaad weyna ka dhex kaluumeystaan.

Hadda iyo dan, Shacabka Waqooyiga Galguduud waxa ay maanta u baahan yihiin waa:

1- Inay helaan gole guurti oo si dhab ah ugu shaqeeya danaha shacabkooda.

2- Inay helaan shirweyne dib u heshiisiineed oo dhab ah.

3- Inay helaan cid damaanad qaada ama bixisa waxa isaga maqan sida, Magaha, Hantida muuqata iwm, wixii laga tanaasuli karana laga tanaasulo ama leyska cafiyo.

4- Inay helaan gole Siyaasadeed oo leh qab iyo han islamarkaana difaaca danahooda guud.

5- In gacan bir ah looga qabto Siyaasiyiinta kasoo jeeda deegaanada ee horboodaya siyaasadaha isdiidan, gabi ahaana laga mamnuuco deegaanada siyaasado isdiidan oo ay shaqsiyaad horboodayaan.

Gabagabadii, haddii aysan intaas helin ama la doonin, waxa kale oo dhan waa ciyaar iyo waqti dhumis, waxaana xaqiiqo ah in maanta shacab weynahaa sharafta leh aysan geeyn in waqti dambe looga dhumiyo huumaag been ah. Nabad & Nolol, Soomaaliya Ha Noolaato.

FG:- Ha dhibsanina, hana iska indho tirina xaqiiqda, danleey dadku waa ku daalay. Run sheeg, waa ceeb sheeg.

W/Q:- Nur Ugas