Wasaaradda Gaadiidka oo dar dargelineyso hirgelinta sharuucda gaadiidka

0

Kulankan oo lagu soo bandhigayay shirciga lagu dhaqayo Gaadiidka noocyadiisa kala duwan  oo ay soo saartay Wasaaradda  Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliyed ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Kulanka ayaa waxaa  ka soo qeyb galay Wasiiro, Xildhibaanno, Taliska ciidanka ilaalada Nabadgelyada Wadooyinka ee Taraafiko, gaadiidleyda qaar ka mid ah ganacsatada Gaadiidka  iyo marti sharaf kale oo shirka lagu casuumay.

Cisman Xasan Cilmi oo ku hadlayay magaca ganacsatada Gaadiidka  ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan sharacigan .

“Halkan in mar kale ay Wasaaraddu noogu yeerto soo bandhigista  xeerkii lagu dhaqayay Gaadiidka noocyadiisa kala duwan, waan soo dhaweyneynaa in dib loo soo celiyo sharcigii  gaadiidka oo dalkan lahaa  waxaana ku dareynaa wixii talo bixin ah”. ayuu yiri Cismaan.

Garyaqaanka  Guud ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Dr Cisman  Cilmi Guuleed  oo ka hadlay kulanka ayaa tilmaamay inay tahay tallaabo lagu farxo.

“Xeerkani wuxuu ka midyahay in dib loo howl geliyo shuruucdii lagu dhaqi jiray Gaadiidka ee dalka horay u lahaa, si loo ilaaliyo dowladnimada,  waxaad  ogsoontihiin markii dowladda la yiraahdo waxaa saldhig u ah in lagu dhaqmo sharciga,  marka xeerkan waa xeer lagu hergelinayo dhamaan sharuucdii dalka u yiilay”ayuu yiri Garyaqaanka Guud ee dowladda.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Salaad ayaa sheegay in sharcigan uu qeyb weyn ka  qaadanayo dhinaca Amniga.

“Sharcigan waxa uu qeyb weyn ka qaadanayaa xaqiijinta amniga, waxaana rajeynayaa in uu sharciga hirgelo” ayuu yiri Wasiirka.

Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ayaa mudooyinkan waday  howlo lagu dardar gelinayo horumarinta Gaadiidka iyo hirgelinta sharuucdii gaadiidka u degsanaa.

Xigasho: Warbaahinta Qaranka