Wasaarada Waxbarashada Oo Ardayda Dhameysatay Waxbarashada Heerka Koowaad u Tababareysa Macalinimo

0

Wasaarada Waxbarashada xukuumada fedraalka soomaaliya ayaa ka dhawaajisay in ardayda dhameysatay waxbarashada heerka koowaad ee jaamacada ay u tababari doonaan macalinimo si aqoontooda ay bulshada uga faa’iideeyaan

hadalkan ayuu ka sheegay Wasiirka Wabrashada Hidaha iyo Tacliinta Sare  Mudane Cabdiraxmaan Daahir Cusmaan kulan dhiira galin ah oo ka dhacay xarunta jaamacada umada soomaaliyeed

kulankaasi waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda iyo Guddoomiyaha Jaamacadda Ummadda,waxana lagu dhiira galinayey ardayda dhigta kuliyadda Waxbarashada iyo Culuumta bulshada.

Prof Maxamed Axmed Jimcaale oo ah Guddoomiyaha Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in sanadkan ay doonayaa in jaamacada Ummadda ay ku kordhiyaan kuliyado hor leh oo anfacayo ummadda soomaaliyeed iyo bahda waxbarashada.

Wasiirka Wabrashada Hidaha iyo Tacliinta Sare  Mudane Cabdiraxmaan Daahir Cusmaan ayaa sidoo kale inta uu kulanka socday ka jawaabay su’aalo dhowr ah oo ay weydiiyeen ardayda wax ka barata jaamacada ummadda soomaaliyeed iyo jaamacadaha kale ee dalka ka jira.

W/Q Ayaaanle Hassan Abdirahman