Dhageyso”Gudoomiyaha Hay’ada Qaxootiga Iyo Barakacayaasha Soomaaliyeed”ilaa 5-Kun oo Soomaali ah ayaa weli ku dhiban Liibiya”

0

Axmed Daahir C/kariin oo ah Gudoomiyaha Hay’ada Qaxootiga Iyo Barakacayaasha Soomaaliyeed ayaa xaqiijiyey in weli dalka liibiya ay ku harsan yihiin ilaa 5 -kun oo soomaali ah.

Gudoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in dad soomaali ah oo xaaladooda caafimaad ay aad u liidato ay uga soo tageen liibiya isagoo xusay in isbitaalo ku yaala tripoli dadkaasi lagu dabiibayo.

Gudoomiyaha ayaa ugu danbeyn tilmaamay in dowlada soomaaliya ay u dhiman tahay howsha culuskeeda,isagoo rajo fiican ka muujiyey maxaabiistii shalay muqdisho soo gaaray oo uu la socday.