Ciidanka Asluubta oo u diyaar garoobaya xuska xiligii la aas aasay

0

Qeybaha kala duwan ee Ciidamada Asluubta Soomaaliyeed ayaa xiligan diyaar garow balaaran ugu jira soo dhaweynta maalintii la unkay ciidamada asluubta oo maalmo kooban ay ka harsan yihiin

22 bishan february ayey ku beegan tahay 48 sano guuradii ka soo wareegatay aas aaska ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo dhidibada loo taagay 22-kii February sanadkii 1970-kii.

Sareeyo Gaas Xuseen Xasan Cismaan Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo booqday xarumaha kala duwan ee uu talisku ku leeyahay gudaha caasimada ayaa ku amaanay askarta ciidanka asluubta sida wacan ee ay ugu diyaar garoobayaan xuska maalintii ciidanka asluubta la aas aasay

Wasiirka Cadaaladda Soomaaliya Mudane Xasan Xuseen Xaaaji ayaa tibaaxay in ciidanka asluubta soomaaliyeed ay ka mid yihiin ciidamada laf dhabarka u ah difaaca dalka,waxana uu soo dhaweeyey qaabka ay ugu diyaar garoobeen xuska xiligii la unkay oo nagu soo food leh dhawaan.

W/Q Ayaanle Hassan Abdirahman