DHAGEYSO:-Dowladda Soomaaliya Oo War Ka Soo Saartay Soomaalida Ku Dibaateysan Libya

0

Maryan Yaasiin Xaaji Yuusuf oo ah Ergayga Gaarka ah ee xukuumadda Soomaaliya u qaabilsan xuquuqda tahriibayaasha oo ka mid ah wafdi Soomaali ah oo safar ku tagay dalka Liibya ayaa dhibaatadaan ka hadashay.

Waxa ay sheegtay in Caruurta ay ku arkeen dalka Libya ay yihiin kuwo aan weli qaan gaarin kuwaas oo hatan u baahan in dalka lagu soo celiyo si aysan dhibaato kale ula kulmin.

Waxa ay hadalkeeda intaasi ku dartay in haatan uu socdo dadaalo dalkooda dib loogu soo celinaayo maadaama qaarkood laba Sano iyo wax ka badan ay joogaan Libya kuna dhibatoonayaan.