Dhageyso”Wasiirka Qorshaynta Iyo Wafdi Ka socda Qadar Oo Qiimeeyn Ku Sameeyey Wadooyin La dhisaayo

0

Masuuliyiinta ka socota wasaarada qorsheynta xukuumada soomaaliya oo ay wehliyaan wafdi ka socda dalka Qadar oo uu hogaaminayey safiirka dalka qadar soomaaliya u fadhiya ayaa maanta qiimeyn ku sameeyey Wadooyinka La dhisayo

Wafdiga ayaa tagay labada kontorool ee Ex kontool Balcad iyo Ex kontorool Afgooye oo dhawaan howlo dhismo ah ay ka bilaaban doonaan

Wasiirka Qorsheynta Xukuumada Fedraalka Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan oo saxaafada kula hadlay halku uu ka bilaabanayo jidka isku xira muqdisho iyo johawr ayaa ka warbixiyey qiimeynta ay ku sameeyeen wadadaasi isagoo u mahad celiyey dowlada Qadar ma.hruucan ay ku caawinayaan dadka iyo dalka soomaaliyeed

Wasiirka ayaa tilmaamay in howshan loo qaban doono sida loogu tala galay, isla markaana ay dhawaan dar dar galin doonaan.