WARBIXIN : Booliiska Galmudug oo Shaqo Joojin ku dhawaaqay !

0

Saraakiil, Saraakiil Xigeeno iyo Askar gaareysa 575, kana howl gala Saldhigyo gaaraya 17 ayaa sheegay in Muddo dheer aanan helin Mushaaraad, Gunno, Daryeel iyo waxyaabaha kale oo ay u baahan yihiin in lagu taageero.

Saraakiisha ayaa tilmaamay in dhowrkii sano aanan arag xuquuqaadkooda ka maqan, isla markaana ay waayeen cid kala hadasha hadii ay ahaan lahaayeen Madaxda sar sare Dowladda federaalka, Galmudug iyo Taliska Booliiska.

48 saac ayey u qabteen in looga jawaabo Cabashadooda, maadaama ay sheegeen in dhibaatada heysata ay muddo u sabrayeen, duruufo kala duwanna ay kusoo shaqeeyeen sida ay hadalka u dhigeen.

Waa ay sii hadleen waxa ayna Dalbadeen in aanan la dhayalsan Cabashadooda, iyagoona xusay in ay habeen iyo Maalin u shaqeynayeen sidii ay ugu hortagi lahaayeen falalka Amniga liddiga ku ah.

Saraakiishaan ayaa sheegay in ay tababar ku qaateen Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud, tan iyo Xiligaasina aanan helin Xuquuqda Waajibka ku ah Dowladda, dhankoodana ay gudanayeen Waajibaadka saaran.

Mustaqbal ayaa sameysay isku dayo kala duwan oo ay kula xiriireyso Madaxda Galmudug iyo Taliska Booliiska Soomaaliyeed si ay wax ugu weydiiso Cabashadaan, Balse nooma suurta gelin in aynu helno.