Saraakiisha Ciidanka XD ee Gedo ku sugan oo faah faahiyay howlgal Alshabaab looga qabsaday deegaano badan

0

Taliyaha Ururka 49 ee Ciidamaad Xoogga Dalka Soomaaliyeed C.fitaax Maxamed Turbac oo la hadlay Radio Muqdisho Codka Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixiyay howlgalo ka dhan ah maleeshiyaadka nabad iyo nolal diidka ah ee Al shabaab oo ay Ciidamada ka sameeyeen Degaano ka tirsan Gobolka Gedo.

Taliye C.fitaax Maxamed Turbac ayaa tilmaamay in Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay saacadihii lasoo dhaafay la wareegeen Deegaano badan oo ka tirsan Gobolka Gedo halkaasoo maleeshiyaadka Al shabaab ku dhibaatayn jireen Shacabka Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan.

Deegaanada laga qabsaday Alshabaab ayaa ku dhow xadka Gobolada Gedo iyo Jubbada Hoose ay wadaagaan,sida deegaanka Caanaale iyo tuulooyin kale

dhawaan ayay ahayd markii Sargaal sare oo ka tirsanaa maleeshiyaadka nabad iyo nolal diidka ah ee Al shabaab uu isku dhiibay Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku sugan Gobolka Gedo oo ka mid ah deegaanada hoos yimaada dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland.

Howlgalada ayaa si isku mid ah uga socda dhamaan deegaanada ay ku dhuumalaysanayaan Alshabaab,iyadoo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay maleeshiyada Al shabaab kala wareegay Deegaano badan oo ka tirsan Gobolada Shabeelaha Hoose iyo Gedo.

Wararkii ugu dambeyey ee laga helayo Gobolka SHabeelada Hoose ayaa sheegaya in ciidamadu ay xalay ku hoyden degmada Sablaale ee Gobolkaasi Shabeelada Hoose,halkaasi oo ay ka wadaan howloo baaritaano ah.