Madaxweynaha Puntland oo Dib Ugu Soo Laabtay Caasimada Puntland ee Garoowe(sawiro)

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo weftigii uu hogaaminayey ayaa  dib ugu soo laabtay magaalada Garoowe ee caasimadda dawladda Puntland.

Madaxweynaha iyo weftigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Janaraal Maxamed Abshir Muuse  ee Magaalada Garoowe kusoo dhoweeyey  Madaxweyne Ku-xigeenka dawladda Puntland Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdullaahi Cumar Camey, maamulka gobolka Nugaal kan degmada Garoowe,  masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dawladda Puntland, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland,  iyo masuuliyiin kale.

Madaxweynaha oo warbaahinta la hadlay ayaa ka warbixiyey shirkii amniga qaranka Soomaaliya,oo uu kaga qayb galay magalada muqdisho casimada DF Soomaaliya,  shirkaas uu Madaxweynuhu sheegay  in uu ku soo dhammaadey guul,  waxaa kaluu madaxweynuhu sheegay inay isku af garteen madaxda qaran ka soomaliya islamar ahaantana maxsuul wanagsani ka soo baxay.

“Waxaa sharaf weyn noo ah inaa dib ugu soo laabano magalada Garoowe anagoo in mudo ah xamar ugu maqneyn ka qayb galka shirka amniga qaranka oo y isugu yimaadeen madaxda DF Soomaaliya iyo madaxda Dawaladaha xubnha ka ah DF Soomaaliya, loogana hadlayey arrimo muhiim u ah xasilinta, xoreynta iyo dib u habeynta ciidanka qalabka sida ee Soomaaliyeed, Aydoo ay ka soo bexeen go’aamadii la soo saaray 10 Feb 2018 iyo waxyaaba kale oo wadanka masiirkisa muhiim u ah oo ay ka mid ahyd qaybsiga khayraadka dalka iyo anagoo ku saxiixnay  hishiis kumeel gaara kaluumaysiga dalka sidii khayraadkiisa looga faa idaysan lahaa kaas oo muhiim u ah geedi socodka hormarka dalka shirkaasina waxaa uu ku soo dhammaaday guul sida aad la wada socotaan”

Waan ku faraxsanahay inaan ku soo laabto dalkii oo nabada oo xasiloon oo aan wax dhiba ka jirin, waan bogaadinaya Boosaaso dawalad iyo shacaba siday ugu gurmadeen doonti caariday iyo waanaga ay ku dhawdahay inay ku dhamaato waxayna ka turjumaysaa isku tashiga Puntland, aad ayaan u bogaadinayaa madaxada sii joogtay dalka wanaaga, hormaraka, iyo adkeenta dawladnimada iyo amniga Puntland ka sii shaqeeyay aad iyo aad ayeey u mahadsanyihiin” ayuu yiri  Madaxweynha dawaladda Puntland.

Ugu danbayn Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sidoo kale sheegay in shirka madaxda qaranka Soomaaliyeed looga hadlay arrimaha amaanka iyo dhaqaalaha, waxaana uu Madaxweynuhu tilmaamay in labada ajandeba ay muhiim u ahaayeen qaranka Soomaaliyeed

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media

allgalgaduud@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISMENT

LATEST NEWS

DHAGEYSO:-Madaxweyne gaas oo Puntland oo Warbaahinta Caalamka Kula Hadlay Dubai
- Apr 26, 2018
Madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo maanta warbaahinta caalamka kula hadlay wadanka ...
Imaaraadka oo Qirtay in Lagaga Adkaaday Dagaalka Warbaahinta ee Soomaaliya
- Apr 26, 2018
Wargeyska Alitixaad ee ku hadla  afka dowladda Isutagga Imaaraatka Carabta ayaa caddadkiisa maanta oo ...
DHAGEYSO:-Madaxweyne ku xigeenka puntland oo Weerar afka ah ku waaday madaxda maamulada iyo dawladda dhexe muxuu ku eedeeyay
- Apr 26, 2018
Magaalada Garowe  waxaa lagu soo gaba gabeeyay shir hal maalin socday oo looga hadlayay ...
DHAGEYSO:-Shacabka Kunool Magaalada Garoowe oo Afka Furtay Arrimo Muhiim ahna Ka Hadlay.
- Apr 26, 2018
ulshada kunool magaalada Garoowe ee caasimadda dowladda Puntland ayaa waxa ay ka hadleen dhismaha ...
DHAGEYSO:-Faarax macalin oo ku tilmaamay Qaa’inul wadaniyiin madaxda maamulgobaleedyada ee taga imaaraadka carabta
- Apr 26, 2018
Siyaasiga Faarax Macalin oo horey u soo noqday Gudoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Kenya oo ...