Hindiya oo Pakistan uga digtay dagaalka Kashmiir

0

Dowladda Hindiya ayaa dhiggeeda Pakistan uga digtay hurinta dagaal ka socda Gobolka Kashmiir qeybta ay Hindiya maamusho halkaas oo saddex maalmood oo xiriir ah ay ku dagaallamayeen Ciidamada dowladda Hindiya iyo malleeshiyo hubeysan.

Hindiya waxaa ay sheegtay in weerar koox hubeysan ay ku qaadeen Saldhig ku yaalla Magaalada Jaamu ay ku dhinteen 6 Askari iyo saddex ka mid ah kooxda weerarka qaadday.

Dowladda Hindiya waxaa ay sheegtay in Pakistan ay bixin doonto qiimaha ka dhalan doona weerarka Kooxda ay sheegtay in dowladda Pakistan ay taageerto.

Afhayeen u hadlay Ciidamada Dalka Hindiya oo lagu magacaabo Nirmala Sitharaman, ayaa sheegay in dowladda Pakistan ay mas’uul ka tahay waxa ka socda gobolka Kashmiir qeybta ay Hindiya maamusho.

Dhinaca kale Dowladda Pakistan Afhayeen u hadlay oo lagu magacaabo Mohammed Faisal ayaa sheegay in hanjabaadda Hindiya aysan micno badan u lahayn dalkiisa maaddaama sida uu sheegay aysan heysan caddeeyn ku filan.