Dowladda Soomaaliya oo war ka soo saartay saameynta biyo la’aanta ka jirta gobolada Dalka

0

Mudane Saalim Caliyow Ibroow Wasiirka Tamarta iyo Biyaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa baaq u diray Hey’adaha ka shaqeeya arrimaha samafalka ee ka howlgala Soomaaliya in ay gacan ka geystaan sidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyinka ka dhashay Biyo la,aanta ee ka jira Dalka.

Wasiir Saalim Caliyow Ibroow ayaa hadalkiisa intaasi ku daray in deegaano ka tirsan Dalka ay ka jirto Biyo la,aan saamayn ku yeelatay bulshada Soomaaliyeed.

Wuxuu sidoo kale sheegay Wasiirka in ay lagama maarmaan tahay in Hey’adaha samafalku gacan weyn ka geystaan Caawinta iyo samata bixinta bulshada ku nool deeganada ay ka jirto Biyo la’aanta ee deegaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolada Dalka Soomaaliya..

Hadalkaan ka soo baxay Wasaaradda Tamarta iyo Biyaha Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa imaanaya xili uu guray Webigga Shabeele ee mara Gobolada Shabeelooyinka iyo Hiiraan.

Arrintasi ayaa saameyn weyn ku yeelatay beeralay iyo xoola dhaqato badan oo kunoolaa deegaanada uu maro webigaasi,mana jiraan keydada biyaha webiga oo loogu talagalay in lagu samatabixiyo dadka marka ay dhacdo dhibaatadan oo kale.