DHAGEYSO:-Wada hadaladii Nabadda degmada Caabudwaaq oo Guulaystay

0

heekh Abuubakar Bashiir C/laahi Lataliyaha Madaxaweeynaha jamhuuriyada Ee Dhinac Diinta iyo Gudiga Madaxweeynahu u xil saaray Dhamaystirka Qorshaha Nabadaynta Bulshada Caabudwaaq ayaa Ku Guulaystay in Xal laga Gaaro Xisadii udhaxaysay Qaar ka Mid ah beelaha Dega dagmadaasi.

Waxaa lagu Guulaystay in la is hor Fariisiyo Labada Dhinac si ay u dhaqangaliyaan dadaalada Nabadda Bulshada ku dhaqan Degmada Caabudwaaq kaasi oo dhamaystir u ah Qorshahii Bilawga ahaa ee Madaxweeynaha Soomaaliya uu halkaa ka unkay.

Ciidamo isku dhaf ah ayaa Laga hirgaliyay Degmadaasi kuwaasi oo ka qayb qaadanaya Xasilinta amniga Magaalada si looga hortago isku dhacyo Marka kale Dhexmara Beelahii la Heshiisiiyay.