Axmed Madoobe Oo Nairobi Kula Kulmay Madaxweynaha DDSI

0

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaan Axmed Madoobe oo maalmihii u danbeeyey Ku sugnaa dalka Kenya ayaa caasimada dalkaasi kula kulmay madaxweynaha dowlada deegaanka soomaalida itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar.

Si rasmi ah looma xaqiijin karo waxyaabaha ay ka wada hadleen labada masuul,hase yeeshee kulankooda ayaa ahaa mid saacado qaatay.

Madaxweynaha dowlada deegaanka soomaalida ee itoobiya ayaa Kenya wada hadal kula leh xubno ka tirsan jabhada ONLF,waxana wada hadaladaasi dhex dhexaad ka ah dowlada Kenya oo gogosha u fidisay labada dhinac.