AKHRISO:-Dowladda Itoobiya oo sii daysay hoggaamiye mucaarad ah iyo rabshado Socda dalkaas

0

Dowladda Ethiopia ayaa  xabsiga ka sii deysay Bekele Gebre oo ah hoggaamiye sare oo mucaarad ah, sidoo kalena laashay dhammaan eedihii loo haystay.

Bekele Gebra oo ah xoghayaha guud ee ururka Oromoda OFC, ayaa dowladdu ay xabsiga dhigtay bishii Dec 2015-kii, kadib markii ay qarxeen Banaan baxyo ka dhacay gobolka Oromada.

Warbaahinta dowladda ayaa xaqiijiyay in Bekele iyo 7 kale oo mucaarad ah la siidaayay.

Bekele ayaa xalay warbaahinta kula hadlay magaalada Addis Ababa.

Wuxuu yiri “Waxaa naloo soodaayay sababo ay ugu wacan tahay cadaadiska dadka ka imanaya oo sii kordhaya. Taasi ayaana ugu weyn in nala soo daawo. Dowladdu ma doonayso inay na dhageysato oo badanaa ma rumaysna halganka nabadda ah, waayo iyadu waxay xukunka ku timid halgan hubeysan kaas oo kaliya ayayna taqaanaa. Waligeed ma aqbalin halgan nabadgelyo ah”

Siideynta Bekele ayaa timid iyadoo maalintii saddexaad ay socdaan dibadbaxyo ka dhacaya gobolka Oromada.

Dhinaca kale, waxaa socda cafis guud oo dowladdu ay u fidisay dadka ka soo horjeeda, iyadoo talaabdaasina uga gol leh inay ku yareyso xiisadda dalkaasi ka jirtay tan iyo 2015-kii

Salaasadii shalay dad fara badan ayaa isugu soo baxay magaalooyinka Oromada, kuwasoo wadooyinka ku xidhay dhagaxaan. Suuqyada, schoollada iyo bangiyada ayaa xidhnaa magaaalooyinka Jimma, Woliso and Legetafo.

Ciidamad aminiga ayaa Isniintii lagu eedeeyay inay toogasho ku dileen laba dumar ah iyo nin dhalinyaro ah, magaalada Mada Walabu ee gobolka Oromada.

Dowladda Maraykanka, gaar ahaan safiirkooda Ethiopia Micheal Raynor ayaa walaac ka muujiyay dadka ku dhintay qalalaasaha, wuxuuna sheegay in baahida loo qabo in dadku ay si xor ah oo nabadgelyo ah aragtidooda ku cabiraan.

Hay’addaha xuquuqda aadanaha ayaa sheegaya in boqolaal qof ay ku dhinteen rabshadaha iyo qulqulatooyinka ka dhacaya dalka Ethiopia.