Wasiirka Cadaalada Iyo Taliyaha Ciidanka Asluubta Oo Ku Baaqay Inaan la Dhisan Dhul ay leeyihiin Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed

0

Wasiirka cadaalada xukuumada soomaaliya Xasan xuseen xaaji iyo taliyaha ciidamada asluubta soomaaliyeed xuseen Xasan cismaan ayaa kormeer Ku tagay dhul banaan oo ay leeyihiin ciidamada asluubta kaasoo Ku yaala gudaha caasimada muqdisho.

Dhulkaan oo uu muran balaaran ka taagan yahay ayey masuuliyiintu Ku baaqeen in aan LA dhisan dhulka oo ay Ku tilmaameen inuu yahay hanti qaran.

Taliyaha ciidanka asluubta oo goobta hadal ka jeediyey ayaa uga digay shaqsiyaadka sheeganaya dhulkaan in ay dhismo Ku bilaabaan,isagoo Ku booriyey in ay fikirkaas ka tanaasulaan maadaama dhulku uu yahay mid ay leeyihiin ciidamada asluubta soomaaliyeed.

Wasiirka cadaalada xukuumada fedraalka ayaa dhankiisa isaguna Ku tilmaamay in ay tahay wax laga xumaado in LA isku qabsado dhul ay ciidan qaran leeyihiin,isagoo cod dheer Ku sheegay in aysan suuragali doonin in LA dhisto dhulkaan iyo dhulalka kale ee danta guud.